Muqdisjo (dayniiile.com)- Sh. Mukhtaar Rooboow Cali oo ah Wasiirka Ow-qaafta iyo arimaha diinta Somaaliya  ayaa ku faanay inuu isagu ku guuleystay qal qaalinta dhismaha Xaruntac Wasaaradaani.

Wasiir Rooboow Cali wuxuu muuqaalkaan kaga hadlayaa arimo kala duwan waana Sheeko macaan marka si kale loo dhigo,waxaa ka mida waxyaaba uu soo hadal qaaday in Madaxweyne Xasan laba jeer ka bad baaday weeraro ka dhacay Maxaas iyo Dhuusa-mareeb.

Advertisement

Madaxweynaha ayuu si weyn u amaanay isagoo ku tilmaamay inuu yahay naftii hure.

Dhanka kale wuxuu xusay in tan 60-kii ay dalka soo mareen 34 Wasiir oo isaguna uu yahay Wasiirkii 35-aad ee soo mara wasaarada Diinta islamarkaana aysan jirin intaas cid dhistay xarunta Wasaarada.

“wasaarada Diinta waxaa soo martay 34 Wasiir,anigaana ku guuleystay inaan dhiso Xarunta”ayuu yiri isagoona cadeeyay in Madaxweynuhu ku garab siiyay dhismaha.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka hadal heedinta Wasiir Rooboow.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

MUUQAALKA XUQUUQDIISA WAXAA LEH TV-GA QARANKA SOMALIA

Previous articleHay’ada Caafimaadka WHO oo ka digtay Caruunta lagu xasuuqayo Gaza
Next articleDEG DEG: Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo Argagixisanimo loo haystay+SAWIRRO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here