Tiro hoobiyeyaal ah ayaa maanta lagu soo tuuray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka hadlay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Hoos Akhriso War kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Advertisement

Ciidanka Amaanka gaar ahaan kuwa Howlgalka Ciiltire oo uu ugu Horeeyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday Howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Caasimada iyo Nawaaxigeeda, iyada oo la sugayo Amniga iyo badqabka Ummadda ee Maalmaha Ciida iyo Asuuca Xuriyadda, maanta Deegaanka Garasbaaley gaar ahaan Waaxda 2-aad ee Fooriyoow, ayaa abaare 11:30 AM, waxaa garoonka Caalamiga ah ku soo dhacay dhowr xabo oo hoobiye ah, Ciidanka oo feejignaa ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray, waxeyna gacanta ku soo dhigeen dhowr xabo (Baalooto) oo hoobiye ah, Mobayladii laga qarxinayay oo wata Fiilooyinkooda iyo Gurigii laga soo ridayay.

Dowlada Soomaaliya ayaa la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo Al-Shabaab shacabka dhibaataynayayy. Waxaana hada ku sugay Ciidanka Amaanka. Waxaana socoto baaris arrinta la xariirta

Wa bilaahi towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here