RUUNIRGOOD (DAYNIILE.COM)-Diyaaradaha dagaalka Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa fuliyay Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab.
Howlgalkaan waxaa laga fuliyay adka Goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe halkaasoo lagu tuhmayo inay farsiisimo ku leeyihiin Alshabaab waliba dhanka howdka.

Diyaarado waxay gantaalo la dhaceen si gaar ah halka loo yaqaano Jir jir farey & Burka fiiqey oo dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Ruunirgood.

War ka lagu baahiyay warbaahinta Dowlada ayaa lagu sheegay in dagaalamayaasha kooxda Alshabaab weerarkaani lagu gaarsiiyay jab weyn sida gaadiid laga gudabay iyo dagaalamayaal badan oo laga dilay inkastoo warar madax banaan aanaan ka helin sidoo kale intaan ognahay alshabaab kama aysan hadlin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleMaamulka Puntland oo ka soo hor jeestay amarkii Dowlada ee lagu xirey qunsuliyada Itoobiya
Next articleKooxo burcad ah oo Mombasa ku dhaawacay ku dhawaad 10 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here