MOMBASA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helayo ismaamulka Mombasa ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo burcad ah ay xaafada Mikindani ku dhaawaceen dad shacaba kuwaasoo goobaha caafimaadka la gaarsiiyay.

Kooxahaani oo ku hubeysnaa baangado iyo mindiyo ayaa la soo sheegayaa inay dhaawaceen ilaa 8 ruux walina hay’adaha aamaanku faahfaahin kama bixin dhacdadaasi.

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaa tagay halka mashaqadu ay ka dhacday oo ah xaafadda Mikindani ee deegaan baarlamaaneedka Jomvu ee ismaamulka Mombasa si ay xaalada amni u xaqiijiyaan.

Waxaa lagu soo warramayaa in koox burcad ah ay 8 qof dhaawac ugu gaysatay xaafadda Mikindani ee deegaan baarlamaaneedka Jomvu ee ismaamulka Mombasa.

kooxahaani mindiyaha iyo baangada ku hubeysan waxay dadka deegaanku aaminsan yihiin inay qayb ka yihiin burcad dhibaato iyo dhac ka gaysata ismaamulka Mombasa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleHowlgal ka dhan ah Alshabaab oo ay fuliyeen diyaarado dagaal
Next articleWasiirka Gaadiidka Kenya muxuu ka yiri shilalka faraha badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here