Wararka laga helaayo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in duqeymo xalay saq dhexe soo bilowday ilaa saakana socda in laga maqlaayo Deegaano hoos taga Magaalada Mahadaay oo ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab.
Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalkaani ilaa saaka soo gaaray ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo kuwa saaxiibada loo yaqaan ee Turkiga iyo Amerikaanka.
inta badan dadkii ku dhaqnaa tuulooyinka dhaca dhanka bari ee Magaalada Mahadaay ayaa la soo sheegayaa inay barakaceen si ay uga badbaadaan madaafiicda sida xowliga ah ugu hoobaneysa halkaasi.
Deegaanada Alshabaabu heystaan ee bariga Mahadaay waxaa ka mida Mansuur,Iji iyo kuwa kale kuwaasoo xaalado adag laga soo sheegaayo.
Dhanka kale waxaa jira warar saaka laga helaayo Mahadaay oo sheegaya in xitaa ay jiraan dagaalo fool ka fool ah oo ka socda deegaanada bari hoos yiimaada Magaalada Mahadaay inkastoo aan xaqiiqo loo heyn.
wixii war ah ee ku soo kordha duqeymaha oo wali saaka la maqlaayo wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan insha Alllaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM