NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Shacabka Kenya ayaa cabasho badan waxay u gud-biyeen Dowlada Kenya gaar ahaan wasaarada Gaadiidka si wax looga qabto shilalka faraha badan ee Kenya ka dhaca kuwaasoo dad badan ay ku dhintaan si loo joogto ah.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kenya Kipchumba Murkomen oo arintaan ka hadlaayay ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan fursadna siiyaan qorhayaasha Dowlada ee wax looga qabanaayo shilalka faraha badan.

Advertisement

Wasiirka wuxuu shacabka u sheegay in Dowladu adeegsan dooonto horumarka tiknolojiyadeed si loola socdo xawaaraha lagu kaxeeya baabuurta iyo dayacyirka lagu sameeyo gawaarida.

Wasiir Kipchumba Murkomen wuxuu xusayin dowladda talada haysa ay ka go’an tahay in la yareeyo dhacdooyinka shilalka sida ay sheegtay idaacada StarFM.

“Kenyaanka waxaana ka codsaneynaa  inay dulqaad muujiyaan inta arrinkan looga guulaysanayo”ayuu yiri Wasiira Gaadiidka Kenya.

Mar uu is bar bar dhig ku sameynayay Dowladii uu hogaaminayay Madaxweynihii saddexaad ee dalka Mwai Kibaki iyo wixii ka dambeeyay ayuu sheegay in xiligaasi dhimashada ka dhasha shilalka waddooyinka sanadkiiba tira koobku noqon jirey 3,500 ruux halka ay hada gaaraan ilaa 4,400.

Sidoo kale Wasiir oo shacabka rajo gelinaayay ayaa carabka ku dhuftay in wasaaradda gaadiidka ay si dhow u wada shaqeynayaan booliiska waaxda taraafikada iyo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) si caqabaddan xal waara loogu helo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleKooxo burcad ah oo Mombasa ku dhaawacay ku dhawaad 10 ruux.
Next articleWararka ugu danbeeya Xaalada Gaza iyo Tirada dhimashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here