JAMAAME (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Jubaland ayaa iska kaashtay howgal ka dhan ah Ashabaab oo ka dhacay deegaano hoos taga Maamulka jubaland gaar ahaan Gobolka Jubada hoose.

Warar ka soo baxay dhanka Dowlada ayaa lagu baahiyay in howlgalkaani ay guulo la taaban karo ka gaareen.

Saraakiisha Dowladu waxay saxaafada la wadaageen inay howlgalkan ku dileen 30 ka tirsan Alshabaab halka ku dhawaad 10 kalana ay nolosha ku soo qabteen.

Howlgalkaan wuxuu si gaar ah uga dhacay deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo Wabiga jiinkiisa.
Dhanka Alshabaab ma jirto wax war ah oo aan ka helnay kaasoo ay kaga hadlayaan wararkaan dhanka Dowlada Somalia ka imaanaya.

XAFISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleSida ay Xuutiyiintu ku heleen hubka badda hoos mara iyo tirada gantaalaha ay haystaan
Next articleMasuul ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo is casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here