=XIGASHO BBC SOMALI= Markab biyaha hoos mara

Maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda cas ayaa marar badan waxaa lagu weeraray gantaalaha lidka maraakiibta, gantaalaha ballistic-ga ah, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana hadda soo ifbaxday khatar hor leh oo biyaha hoosteeda ah. Tani waa sida laga soo xigtay machadka ciidamada badda ee Maraykanka.

18-kii Febraayo, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada badda ee ku sugan Badda Cas ay burburiyeen markab aan cidina wadin oo marayey biyaha Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen.

Advertisement

Maalmo yar ka hor, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan falkii ciidamada badda ee Mareykanka ay ku qabteen hub ka yimid Iiraan una socday Xuutiyiinta Yemen bishii Janaayo ee la soo dhaafay. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shixnadda ay ka kooban tahay gantaalada riddada dhexe, walxaha qarxa, qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta quusta ee aan cidina wadin, qalabka isgaarsiinta, gantaalada hagaya taangiyada, iyo qaybo kale oo saanad ciidan.

Kadib waxaa soo baxay ku dhawaaqista Xuuthiyiinta markii hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaru-Allah ee Xuutiyiinta, Cabdal Maalik Al-Xuuti, uu sheegay Khamiistii in ciidamadoodu ay haystaan “hubka mara badda hoosteeda” si u taageeraan Falastiiniyiinta.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa khubadda Al-Xuuti oo laga sii daayay taleefishinka ayaa yidhi: “Waxaan kusoo kordhinay iska hor imaadka ka socday Badda Casa hubka mara badda hoosteeda, waana hub uu cadawgu ka walwalsan yahay”.

Noocyada gantaallada iyo halka ay gaari karaanShixnadda hubka ee Iiraan ay u soo dirtay Xuutiyiinta

  • Scud Soviet B1C oo gaaraya masaafo dhan 300 km
  • Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 5, masaafo dhan 300 km
  • Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 6, masaafo dhan 600 km
  • 21 Scarab Soviet, masaafo dhan 70 km
  • Earthquake 3 (Dhul-gariir) oo Iiraan lagu farsameeyo 250 km
  • Qaher 1 midowgii Soviet, masaafo dhan 250 km
  • Diyaarada C802 waa Shiine, waxa ayna u dhaxaysa 120 ilaa 180 kiiloomitir

    Awoodda milatari ee badda

    • Mandab 1 waa gantaal Shiinees ah oo gaaraya 40 km
    • Mandab 2 waa Iranian waxa uuna gaarayaa 250 km
    • Shaale Iiraan 180 km
    • Rubies Soviet oo gaaraya 80 km
    • Quddus Iiraan ayaa isna farsamaysa, 800 km ayuu gaarayaa
    • Duufaan oo Iiraan ka yimid asna, masaafo dhan 450 km
    • Fiyuus, Iiraan 140 km
    • Gantaalka Badda Cas isna waxa uu ka yimid Iiran lamase garanayo masaafada uu jari karo

      Awoodda milatari ee Xuutiyiinta guud ahaan

      GXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

      Weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan Badda Cas ayaa la arkayey Xuutiyiinta oo adeegsanaya gantaallada maraakiibta iyo kuwa riddada dheer, diyaaradaha iyo doomaha iskood is wada.

      Qayb ka mida weerarradii ay ku qaadeen maraakiibta ayey Xuutiyiintu isticmaaleen doomo yar yar iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.

      Diyaaradda nooca an duuliyaha lahayn ee ‘Kamikaze’ ayaa Xuutiyiinta loo malaynayaa in ay adeegsadeen taas oo iyagu ugu yeeraan Qasef oo qaab samayskeda qaybta dambe ay u samaysan tahay sida xarafka V ee luqadda Ingiriiska, hubkaas oo Xuutiyiintu u heleen markii hore in ay u istcimaalaan sidii ay uga hortagi lahayeen xulufada Sucuudiga.

      Sida uu sheegay Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow, Xuuthiyiinta ayaa heysta gantaalada kala duwan ee ka hortagga maraakiibta, kuwaas oo gaaraya masaafo dhan 40 ilaa 300km, oo ay ku jiraan gantaalada Sayyad iyo Sejjil.

      Gantaallada riddada dheer ee kooxda ayaa sidoo kale ku dhufan kara bartilmaameedyo ilaa 800km u jira, sida ay sheegtay hay’adda ‘the think-tank’ gantaalladaas oo ay xustay in ay garaaci karaan masaafooyin fog fog.

      Khariidad muujineysa Yemen iyo bab al-Mandab
      Qoraalka sawirka,Khariidad muujineysa Yemen iyo bab al-Mandab

      Noocyada gantaallada riddada dheer iyo kuwa maraakiibta ayaa aad looga cabsi badan yahay diyaaradaha an duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahanka badda Sal Mercogliano, isagoo intaa ku daray in ay ku xirmaan gumacyo waaweyn oo awood leh.

      Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isqarxiya, ayuu yidhi Mercogliano, way ka tiro badan yihiin, sababtoo ah way ka jaban yihiin wayna fududdahay in la isku keeno, laakiin sidoo kale way ka gaabiyaan.

      Laakiin nooca USV-yada ee doomaha la hago ayaa ah kuwa sida gaarka ah looga welwelsan yahay sida uu Mercogliano sheegay kuwaas oo awood u leh in lagu dhufto maraakiibta si Khadka looga weeciyo amaba loo quusiyo.

      Iskahorimaadka hadda socda, Xuutiyiinta ayaa markii ugu horreysay adeegsatay markab la hago oo aan cidina saarnayn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa 4tii Janaayo, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Mareykanka, waxayna ku qarxiyeen marinnada maraakiibta caalamiga ah.

      “Nasiib wanaag, ma jiraan wax khasaare ah, mana jiraan wax maraakiib ah oo la garaacay, laakiin soo bandhigida weerar ay fulinayaan doomaha aan la hago ayaa ah mid walaac leh,” ayuu yiri taliyaha ciidamada badda ee Maraykanka Admiral Brad Cooper. Isagoo intaa ku daray in weerarrada la adeegsaday ay ahaayeen kuwo cusub oo awood leh”

      Si kastaba ha ahaatee, Xuutiyiinta ayaa bishii Janaayo 2017 u adeegsaday USV-ga weerar ay ku qaadeen markabka Sucuudiga ee Al-Madinah, iyo mar kale “isku day fashilmay oo la doonayay in lagu weeraro markab shidaal oo ku sii jeeday magaalada Cadan ee Yemen bishii Maarso ee 2020”, sida ay sheegtay dowladda Sacuudiga.

      =XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleXamze iyo Danjiraha Qatar maxay ka wada hadleen?
Next articleCiidamada Dowlada oo howlgal ku dilay Tobaneeyo Alshabaab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here