QAZA (DAYNIILE.COM)-Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay u oggolaan doonaan in si ku meel gaar ah gargaar ah la gaarsiiyo marinka waqooyiga Gaza si loo xaqiijiyo sii socoshada dagaalka iyo si loo gaaro yoolalka dagaalka.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay shaqada ka ceyriyeen laba sarkaal ayna ku canaanteen saddex kale doorkii ay ku lahaayeen duqeymo lagu dilay todobo samafale oo ka mid ahaa shaqaalaha gargaarka oo ku sugnaa Qaza.

Advertisement

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ku baaqaya in Israa’iil lagula xisaabtamo dembiyada dagaal iyo dembiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee suurtagalka ah ee ay ka geysatay marinka Qaza.

Ugu yaraan 33,091 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 75,750 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleWasiirka Gaadiidka Kenya muxuu ka yiri shilalka faraha badan
Next articleEedeysanayaal loo heysto dilal hore uga dhacay Muqdisho oo la soo bandhigay+Sawir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here