No description available.
Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’addaha Amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal tiradoodu gaareyso 5 qof, kuwaas oo loo heysto inay dil u geysteen 4 muwaadin, dilalkaas ayaa ka kala dhacay degmooyinka kala duwan ee ka tirsan Gobolka Banaadir.
Afarta eedeysane ee gacanta lagu dhigay dembiyada dilka ahna loo heysto ayaa kala ah:

1: Eedeysane D/le XDS Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley.
2: Eedeysane A/le XDS Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo
Eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, labadaan eedeysane ayaa loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Xamarjajab.
3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxaa loo heystaa dilka Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf, wuxuuna dilkaasi ka dhacay Dagmada Deyniile.
4: Eedeysane D/le Yuusuf Cali Macoow waxaa loo heystaa dilka Marxuum Maxamed Axmed Nuur, dilkaaas ayaa ka dhacay Dagmada Hiliwaa.

Booliska ayaa sheegay in dhammaan eedeysanayaasha dilalkaan geystay oo gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo geyn doono maxkamada awooda u leh inay qaado kiiskooda.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
Previous articleWararka ugu danbeeya Xaalada Gaza iyo Tirada dhimashada
Next articleMadaxweyne Xasan oo kacbada uga soo duceeyay Soomaalida+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here