Jilaaga caanka ah ee reer Maraykan, Will Smith ayaa sheegay in uu aqriyo Quraanka bisha Ramadaan, uuna ka mid yahay kitaabada samaawiga la yiraahdo ee uu aqriyay.

Advertisement

Kitaabada Quraanka, Tawreedka iyo Injiilka ayuu sheegay in uu dhaamaantood aqriyay isaga oo ka raadinayay in uu ku dago ruux ahaan.

Jilaagaan oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay Hollywood ka oo haysta diinta Kirishtaanka, ayaa sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu marayay culaysaad shaqsiyadeed oo soo wajahay uuna doortay si nafsi in uu uga baxo dhibaatooyinkaas oo dhan.

Aqrinta kitaabada ayuu sheegay in uu in ay fahamkiisa si wayn u fureen.

Muxuu ku arkay Quraanka?

Waxyaabaha uu ka fahmay intuu aqrinayay Quraanka ayuu ku sheegay Will Smith in ay ka mid tahay in magaca Nabi Muuse aad Quraanka dhexdiisa loogu xusay, taasina ay macne wayn u sameysay.

Sheekooyinka inta badan laga qoray nabi Muuse iyo qisooyinka ku saabsan nabi Muuse ee Quraanka ku jira ayuu sheegay in ay yihiin kuwa aad isugu dhaw oo intuu u aqrinayay aad isku shahabayay mar walba.

Sheekooyinka ku saabsan Nabi Muuse ayuu sheegay in uu mar walba raacraacayay meelaha ay uga jiraan Quraanka, uuna aad ula tacajabay.

Waxa kale oo uu sheegay Smith in uu bartay sida ay u xariiraan nabiyada lagu xusay Quraanka, gaar ahaan nabiyada ka soo farcamay nabi Ibraahim “kadibna ay usii kala baxayaan Isxaaq iyo Yacquub”. Waxa uu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu fahamkaas buuxa ka helay nabiyada.

Dhanka kale Will Smith ayaa waxa uu xusay in Quraanka uu ku jeclaaday sida fudud ee uu u qoran yahay ee aan hadana fahamkiisa iyo fasirkiisu u cadyahay.

Waxa uu ku tilmaamay in uu u cad yahay fahanka Quraanku sida quraarada nadiif ah oo kale, oo ay adag tahay in qofi fahan qaldan ka qaato. Isaga oo raaciyay hadalkiisa in nafsi ahaan uu wanaag iyo qurux ku dareemo Quraanka.

Wuxuu sheegay in Ramadaankii la soo dhaafay uu aqriyay Quraanka iyo kitaabada kale ee diimaha loo yaqaano samaawiga.

Muuqaal uu Will Smith uga sheekeynayo noloshiisa Quraanka iyo kitaabada diimaha kale ayaa aad ugu baahay baraha bulshada, waxaana ka falceliyay dad badan oo muslimiin ah.

Waa kuma Will Smith?

Will Smith ayaa ah jilaa Maraykan ah oo ka mid ah kuwa ugu caansan uguna saameynta badan dunida filimada. Waa aabo leh saddex caruur ah, iyo xaas.

Sanadkii 1968 dii ayu uku dhashay magaaladaPhiladelphia ee gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Waxaa aad loogu xasuustaa dhacdadii sanadkii 2022 kii caan baxday ee dharbaaxadii uu ku dhuftay shactiroolaha Chris Rock, oo daadihinayay munaasabaddii abaal marinada Oscar ka ee sanadkii 2022 ka.

Jilaaga Will Smith ayaa raali-gelin siiyay majaajileyste Chris Rock oo uu wejiga ka dharbaaxay.

Smith ayaa sheegay in falka uu ku kacay uu ahaa mid aan “la aqbali karin, isla markaana aan qiil lahayn”.

“Waxaan jeclahay in aan si shaac baxsan kuu raali-geliyo Chris. Xadkii baan ka baxay oo khalad ayaan sameeyay,” ayuu ku yiri farriin dheer oo uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Raali-gelinta Smith ayaa timid kadib markii uu mac-hadka aflaamta ee the Oscars cambaareeyay gacan qaadkiisa, isla markaana uu shaaciyay inuu dib u eegis rasmi ah sameyn doono dhacdada, kadibna uu qaadi doono tallaabada ku haboon.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleXulka K/cagta Somalia oo Caawa la ciyaaraya Xulka Eswatini
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here