Wararka ka imaanaya Dalka Maraykanka gaar Qabuuraha Muslimiinta ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in halkaas lagu aasay khamiistii Injineer Xassan Maxamuud.

Advertisement

Injineer Xassan Maxamuud   ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday Dalka Maraykanka waxa uuna ahaa aqoonyahan in badan ku soo dhex jiray Wax barashada, waxa uuna ahaa bare jamacadeed.

Allaha u naxariistee Injineer Xassan Maxamuud Maxamed oo ku magac dheeraa Injineer Xasanow, kana mid ahaa injineerradii ugu caansanaa ee Soomaaliya. Injineerka ayaa geeriyoday 12-ka Luulyo.

Injineer Xasanow oo ku geeriyooday da’da 79 jir, ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Allaha u naxaristee, Injeer Xassanow ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada qur’aanka kariimka, dugsiga hoose illaa dugsiga sare ku dhammeystay.

Marxuumka ayaa ka dibna ku biiray Ciidammada Booliska Soomaaliyeed 1964-kii, wuxuuna sannadkii 1965-kii ku guuleystay tartan Leyli Sarkaal oo loogu diray Kulliyada Modena ee dalka Talyaniga. Inj. Xasanow ayaa kaddibna waxa uu galay Kulliyada Injineriyadda ee Jaamacadda Torino ee isla dalka Talyaaniga. Waxa uu ahaa arday aad u fahmo badan, waqtina geliyay waxbarashadiisa, waxaana uu sidaas ku muteystay inuu ku qalan jebiyo darajo sare.

Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo noqday sarkaal Injineer ah, waxaana uu madax ka noqday hoggaanka dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu Ciidanka Booliska ka gaaray darajada Gaashanle Sare, islamarkaana waxa uu noqday bare aad loo jecel yahay oo ka tirsan Kulliyada Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa aqqoonyahay Cilmiga Injineeriyada oo ka dhex muuqda bahda Injineerrada dhismaha ee Soomaaliya.

1991-kii, ayaa Injineer Xassanow waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo guryeynta ee dowladdii KMG ahayd.

Sidoo kale Injineeer Xassanow ayaa ahaa hoggaamiye bulsho, aftahan ah, bashaash ah, daryeela dadka dhibaateysan, aqqoon sare leh oo aad looga yaqaan Soomaaliya, Mareykanka, Talyaniga oo muddo ku noolaa.

Boqolaal dadweyne siyaasiyiin Culumo haween dhalinyaro Haween ayaa ka qeyb gallay aaska Marxuumka oo ahaa shaqsi aad u wanaagsa.

Dhica kale waxaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ka Qeyb gashay aaska Marxuumka C/nuur axmed darmaan oo ay Marxuumka ahaayen saaxiibo dhaw.

 

Nairobi Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here