Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee DALMAR oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo gebagebeeyey Mashruuc samafal ah oo isugu jiray, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameeyey kumanaan qof oo iskugu jira barakacayaal iyo dad danyar ah.

Munaasabad lagu soo xirayey Mashruucan oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka Dalmar ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka JFS, Wasiiro xilal ka soo qabtay Xukuumada Somalia, Maamulka Jaamacadda Benadir, Masuuliyiinta heyadda Al-Nur Fondation & Isbitaalka Dalmar, wakiilo iyo dhaqaatiir ka socotay heyaddo caalami ah iyo xubno kale.

Advertisement

Howshan samafalka ah oo socotay bil ah ayaa dadka ka faa’iideystay waxay isugu jireen barakacayaal iyo dad danyar ah oo aan wax lacag ah laga qaadin sida uu sheegay Maamulaha heyadda Al-Nur Foundation, ahna agaasimaha Isbitaalka Dalmar Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabada ka hadlay.

“Waxaa farxad inoo ah inaan soo gebagebeyno maanta howlo daweyn iyo qaliin dhinaca indhaha ah oo muddo bil ah soo socday laguna guuleystay” ayuu yiri agaasimaha oo xusay howshan samafalka ay soo wadeen 20-kii sano ee la soo dhaafay, ayna rajaeynayaan in sanadaha soo socda sii wadaan.

“Mashruucan Waxaa fulinaya heyadda Al Nuur Foundation, iyadoo lagu fulinayo Isbitaalka Dalmar, waxaana nagala qeyb qaadanaya Jaamacadda Benaadir, Isbitaalka Al-Shifa Trust Eye Hospital ee dalka Pakistan oo inoo soo diray dhaqaatiirta nagala shaqeynaya Mashruucan iyo hay’adda COMSTECH ee fadhigeedu yahay dalka Pakistan.” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Waxaa uu intaas ku daray in howshan samafalka ah ay socotay muddo todobaadyo ah iyadoo dadka loo kala saarayey kuwa daaweyn u baahan iyo qaar uu qaliin u soo baxay.

“Waxaa mashruucan ka faa’iideystay dad gaaraya 5,640 oo loo sameeyey baaritaano, Okiyaale iyo daweyn bilaash ah, iyadoo qaliin dhinaca Indhaha uu u soo baxay loona diiwaan geliyey illaa 520 qof, nasiib wanaag 400 oo ka mid ah dadkaas ayaa qaliinkaas ka faa’iideystay, halka inta soo hartayna sababo kala duwan awgood aysan u suuragalin” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar oo xusay in dadka qaliimada loo sameeyey ay ku jireen 10 caruur ah oo dhashay iyagoo aan arag laheyn.

Dr. Dalmar ayaa u mahad celiyey Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Max’uud Xassan (Biday) oo dhowaan safar ku tagay dalka Pakistan, heshiisyada mashaariicdan la xiriirana la soo galay heyadaha fuliyey.

Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa mahad celiyey dhammaan heyadaha iyo dhaqaatiirta ka qeyb qaatay mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka Dalmar iyo intii kale ee gacanta ka geysatay fududeynta iyo taaba gelinta howshan samafalka ah.

Masuuliyiin ka tirsan hay’adda COMSTECH & Isbitaalka Al-Shifa Trust Eye Hospital ee dalka Pakistan oo fulinta mashruucan qeyb ka ahaa ayaa iyana sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Somalia iyo howlaha samafalka ah ee ay ka fuliyeen, iyagoo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey, Nabad, horumar iyo Barwaaqo.

Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyahaa Jaamacadda Benadir Prof.Dr Maxamed Max’uud Xassan (Biday) ayaa ka waramay guusha laga gaaray mashruucan qiimaha badan iyo Doorka ay Jaamacada Benadir ku laheyd, wuxuuna u mahad celiyey heyadaha ka qeyb qaatay oo xusay iney qabteen shaqo adag balse miro dhal noqotay.

Guddoomiyaha guddiga adeegga Bulshada aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Senatar Prof. Cusman Max’uud Dufle ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka munasabadan oo uu xusay iney tahay mid qiimo badan oo danyarta loogu adeegayo wuxuuna u mahad celiyey isbitaalka Dalmar, heyadda Al-Nur Foundation iyo heyadaha kale ee gacanta ka geystay howshan.

“Waxaan ugu baaqayaa Isbitaalka Dalmar, Al-Nuur Foundation iyo Heyadaha gacanta ka geystay in mashaariicda noocan ah la gaarsiiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolada dalka ee aan awooda u laheyn iney soo gaaraan Xamar iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka” ayuu yiri Prof. Dufle oo u hambalyeeyey dhamaan heyadihii iyo shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay mashruucan.

Munaasabadaas oo ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale ereyo iskugu jiray hambalyo, bogaadin iyo baraarujin ka jeediyey Marwo Maryan Qaasim Axmed oo xilal kala duwan ka soo qabatay Golaha Wasiirada Somalia, Madaxa Qeybta daraasaadka Sare ee Jaamacada Benadir. Dr Maxamed Maxamud Cali (Fuje) iyo xubno kale, iyadoo ugu dambeyn Munaasabadaas shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan lagu gudoonsiiyey qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo howlwadeenada ka qeyb qaatay guusha laga gaaray Mashruucan qiimaha leh.

 

               

Previous articleNabadoon Abaabul “Ra’iisulwasaaraha wax buu kala socdaa lacagta la saaray shacabka dhoofaya
Next articleGalmudug oo bacaad Bacaad-weyn ku fashilisay weerar Al-shabaab qorsheynayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here