Milatariga Israa’iil ayaa gabi ahaanba diiday waan waantii dunida taasoo ahayd inaysan ka jawaabin weerarkii Iiran kaga yimid maalin ka hor.

Saraakiisha Milatariga Isra’iil waxay Iiran ugu hanjabeen inay cawaaqib xun la kulmi doonto Dowlada Iiran islamarkaana ay jawaab ka bixin doonaan weerarka lagu qaaday.

Advertisement

Lieutenant General Herzi Halevi oo ah Taliyaha ciidamada Israa’iil ayaa warbaahinta u sheegay inay ka jawaabi doonaan weerarka Iiraan inkastoo uusan sheegin qaab weerarkooda iyo xiliga ay qaadayaan intaba.

“tallaabadeena milatari waxaan qaadi doonaa marka aan go’aamino wakhtiga”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Milatariga Isra’iil.

Dhanka kale Isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil waxaa ku soo biiray Britain,  Jordan,France  iyo Sucuudiga kuwaasoo dhamaantood Iran ka dhan ah waxayna wada-jir u balan qaadeen inay dhulka soo dhigi doonaan diyaarado dagaal iyo gantaalada Iiraan hadey mar kale isku dayaan inay Israa’iil soo weeraraan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMuxuu yahay shirka asbuuca soconaya ee Wasiirka Maaliyadu kaga qeybgalaayo USA+SAWIRRO
Next articleMaxaa ka jira in Ciidamadii Puntland soo baneeyeen furimihi Dagaalka ee Gobolka Sool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here