LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta soo baxay warar sheegaya in Ciidamadii Maamulka Puntland ee garabka siinayay kuwa SSC Khaatumo ay ka soo baxeen furimaha dagaalka ee Gobolka Sool .

Baraha Bulshada waxaa saaka aad looga hadal hayaa in Ciidamada iyo gaadiidkii dagaal ee Puntland gaar ahaan kuwa Beesha Majeerteen inay soo baneeyeem furimahaasi.

Advertisement

Ciidamadaan waxay in mudo ahba is hor fadhiyeen  kuwa Maamulka Somaliland , ma jirto warar si rasmi ah oo laga helay saraakiisha Puntland kaasoo ay ku cadeynayaan ama ku beeninayaan warkaan.

Sidoo kale Maamulka SSC Khaatumo kama aysan hadlin wararkaani maanta soo baxay ee sheegaya in reer Puntland garabkooda soo faarujiyeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleIsraa’iil oo weerar ku ah Iiraan
Next articleHay’adda WFP oo joojisay lacag ay siin jirtay qaxootiga Dha-dhaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here