HomeWarkiiIsraa'iil oo weerartay Magaalada Beirut

Israa’iil oo weerartay Magaalada Beirut

BEIRUT (DAYNIILE.COM)-Duqeymaha Israa’iil ayaa xalay ka dhacay duleedka koonfureed ee Beirut, iyo sidoo kale deegaanno dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, xilli Muslimiinta ay isu diyaarinayeen inay u dabaaldegaan Ciidul Adxaa.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa ku amray dadka degan agagaarka dhismooyinka ku yaal xaafadaha Hadath, Haret Hreik iyo Burj al-Barajneh ee xaafadaha Dahiyeh in ay isaga guuraan.

Wakaalada wararka ee Wafa ayaa sheegtay in 100 guri ay burbureen. Milatariga Israa’iil ayaa ku andacooday in cutubyadani ay haysteen xarumo dhulka hoostiisa ah oo ay kooxda Xisbullah ee Lubnaan u adeegsan jirtay soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarkan ayaa noqonaya kii afaraad oo ay Israa’iil duqeyso Beirut tan iyo markii ay dhaqan gashay xabad joojintii ay la gashay Xisbullah bishii November.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMBeirut strike

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -