KISMAAYO (DAYNILE.COM)-Kadib markii dhawaan Dowlada Somalia ay shaacisay inay dalbatay bixitaanka ciidamada Itoobiya guud ahaan dalka sababo la xiriira khilaafka labada dal ayaa waxaa soo badanaya maamulada Ka hor imaanaya.

Waxaa hore loogu xaman jirey in Maamulada qaarkood si hoose ula shaqeeyaan Itoobiyaan waliba wuxuu warkaan aad u soo kordhay bilowgii sanadkaan markii Dowlada Itoobiya cadeysatay inay rabnto qeyb ka mida Badda Somalia inay xoog ku qaadato xili heshiiskii ay ku soo cid geli lahaydna ay la saxiixatay Maamul Goboleedka Somaliland.

Advertisement

Inkastoo xantaan Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed uu ku beeniyay xafladii caleema saarka Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Dani hadana waxaa xiligan uu muuqataa in warkaasi sax ahaa.

Maalin ka hor Maamulk K/galbeed ayaa ka soo horjeestay in ciidamada Itoobiya Dalkeena ka baxdo hadana waxaa ka soo horjeestay Maamulka Jublanad.

Dhawaan Wasirika Amniga Maamulka K/galbeed wuxuuna si toosa u yiri ciidan shisheeye waxaan u jecenahay Itoobiya mana aqbaleyno in dalka ay ka saarto Dowlada Somalia.

Saacadihii ugu danbeeyay Madaxweyne Xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa isna ku dhawaaqay inaysan ku raacsaneyn Dowlada Somalia in Dalka laga saaro Ciidamada Itoobniya.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu intaasi ku daray in hadii dalka laga saaro Itoobiyaanka ay dan u tahay kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here