MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib dacwo soo socotay mudo bilo ah oo loo heystay masuuliyiin Dowlada Soomaaliya ka tirsan islamarkaana ka timid Maxkamada Goblka Banaadir una soo gudubtay Maxkamada racfaanka ayaa saaka lagu dhawaaqay natiijadeeda.

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ku dhawaaqday in wax danbiya lagu waayay labada eedeysane ee kala ah Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar.

Advertisement

Labadaan Masuul oo hore u ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Soomaaliya waxaana lagu waayay dhamaan eedihii musuq maasuqa ahaa ee lagu soo oogay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir. Dhinaca kale,

dhanka kale Maxkamadda Rafcaanka waxay danbi ku heshay islamarkaana  saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim.

Masuulkaani oo isna la soo eedeeyay ayaa  ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlada Faderaalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here