Geoffrey Hinton oo ka mid ah khubarada hindistay ama horumarisay farsamada casriga ah ee “Garaadka Macmalka ah” ama Artificial Intelligence, ayaa ugu baaqay dawladaha caalamku inay ka hortagaan isla markaana ay xakameeyaan, sidii aanay mishiinadu ula wareegi lahayn maamulka bulshooyinka.

Hinton ayaa si weyn loo bartay, ka dib markii uu bishii May shaaciyey inuu iska casilay shirkadda Google, isaga oo u soo shaqaynayey muddo toban sannadood ah, wuxuuna sheegay inuu isu casilay, sidii uu si xor ah uga hadli lahaa, halista dul hoganaysa isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee la horumariyey.

Advertisement

Dhawaaqa Hinton ayaa yimi, wakhti yar ka dib markii la shaaciyey barnaamijka ChatGPT oo ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah oo la horumariyey, kaasoo si weyn u soo jiitay dareenka caalamka.

Khabiirkan saynisyahanka ah ee ku takhasusay Garaadka Macmalka ah, oo fadhigiisu yahay Jamaacadda Toronto, ayaa hadal u jeediyey kulan ay isugu yimaadeen in ka badan 30,000 oo ka mida, dadka bilaabay ama hindisay, ganacsiyada yaryar, maalgashadayaal, iyo dadka kale oo ka shaqeeya farsamada casriga ah, kuwaas oo doonayey inay wax badan ka ogaadaan, Garaadka Macmalka ah iyo sida uu u shaqeeyo.

Hinton ayaa ku baaqay in tallaabo la qaado, inta aanay bini’aadanka ka aqoon badanin, aaladaha ku shaqeeya Garaadka Macmalka ahi.

“Inta aanay innaga aqoon badanin, aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ahi, waxaan u malaynayaa, inay muhiim tahay, in saynisyahannada horumarinaya, in lagu dhiirigeliyo, inay wakhti badan geliyaan, sidii ay u fahmi lahaayeen, waxa dhici kara, haddii ay maamulka innagala wareegaan [aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ahi]” ayuu yidhi Hinton.

“Haatan waxaa jira illaa 99 qof oo ah, khubaro uu garaadkoodu aad u sarreeyo, kuwaas oo isku dayaya, inay hagaajiyaan barnaamijyada Garaadka Macmalka ah. Mid ka mida khubaradaas ayaa isku dayaya inuu ogaado, sidii loo joojin lahaa, haddii ay maamulka innagala wareegaan” ayuu sii raaciyey.

Hinton ayaa sheegay inay dhab tahay, halisaha ku gedaaman barnaamijyada garaadka macmalka ah, isla markaana ay mudan tahay in si dhab ah loo qaato.

Previous articleBooliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedeysan fal dambiyeed culus
Next articleDalalka Bariga Dhexe oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here