Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka.

Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Advertisement

Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxay goor dambe sheegeen inay fureen baaritaan ka dhan ah oo la xiriira “kicin”.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo Muslimiinta caalamka ay u dabbaal-degayeen maalinta Ciidul Adxa.

Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay “xagjir” ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka.

“Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka, waxayna ka dhigan yihiin daan-daansi halis ah oo lagu sameeyey,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq.

Iiraan ayaa sidoo kale ku biirtay cambaareynta, ayada oo gubitaanka qur’aanka ugu yeertay mid “daan-daansi ah, aan laga fiirsan, oo aan la aqbali karin.”

“Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan… uma dulqaataan aflagaaddada noocan, si xooggan ayeyna u cambaareynayaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanani.

Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay falkan.

“Falalkan naceybka ah ee soo noqnoqda laguma aqbali aqbali karo wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah “fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.”

Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah “weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.”

Kuwait ayaa ku baaqday in dambiilayaasha falalka noocan ah cadaawadeed la horkeeno cadaaladda “lagana hortago in mabaadi’da xorriyadda ay qiil uga dhigtaan cadaawad ka dhan ah Islaamka ama caqiido kasta oo muqaddas ah.”

Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, halka Morocco ay u yeertay safiirkeeda Stockholm.

Sidoo kale, kooxda awoodda badan ee Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku eedeysay Sweden “inay qeyb ka tahay dambiga.”

Xizbullah ayaa ugu baaqday Sweden inay joojiyaan falalka noocaan ah “halkii ay ku dhuuman lahaayeen xoriyadda hadalka.”

Waxay ku boorisay Mas’uuliyiinta iyo dalalka Islaamka iyo Carabta inay qaadaan “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay ugu qasbaan Sweden iyo dalalka kale in laga hortago soo noqoshada dhacdooyinka noocan oo kale ah iyo joojinta “fidinta dhaqanka nacaybka ah.”

Bishii Janaayo, nin xagjir oo Swedish-Danish ah, kana tirsan kooxaha garabka midig, ayaa ku gubay nuqul ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm, taasi oo sidoo kale ka careysiisay dunida Muslimka.

Previous articleKhabiir ugu baaqay dawladaha caalamka inay ka hortagaan in mishiinadu ay la wareegay maamulka dunida
Next articleMAS’UULIYIIN KA TIRSAN PUNTLAND OO XALLIYAY XIISAD KA TAAGNAYD DEGAANKA BALLI BUSLE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here