QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 71 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 112 kalena waa lagu dhaawacay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun isboorti oo ku taalla magaalada Gaza, halka dhaawacyo laga soo sheegayo duqaymihii masaajidka Sacad bin Abi Waqqaas ee xerada qaxootiga Jabalia.

Advertisement

Caroline Gennez, oo ah wasiirka iskaashiga horumarinta iyo siyaasadda magaalooyinka Belgium, ayaa sheegtay in cadaadiska caalamiga ah lagu hayo Israa’iil taasoo ah inay dhibaatada ay ku hayaan shacabka Falastiin oo ku jira xaalad macaluul ah.

Ugu yaraan 32,623 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 75,092 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDowlada Kenya oo fasaxday isticmaalka iyo iibinta Tubaakada loo yaqaan shiishada
Next articleDagaalyahanada Xisbullah oo shaaciyeen inay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Yuhuuda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here