Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay goob ay ka socotay Xaflad Aroos Magaalada Ottawa Xarunta Dalka Canada.

Xafladaan Aroos oo ay dhiganayeen Qoys Soomaaliyeed ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen 2 wiil oo dhalinyaro ahaa sidoo kalana ay ku dhaawacmern 6 ruux.

Allaha u naxariistee labada ruux oo Soomaali ahaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Saciid Maxamed Cali oo 26 jir ah iyo C/Shukuur Cabdi Daahir oo 29 jir ah.

Ciidamo Booliis ah ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo qaaday dhaawacyada iyo Meydadka, lamana oga ujeedka weerarkaasi ka danbeysa.

Goob jooge saxaafada la hadlay ayaa xusay inaysan garaneyn waxa keeni kara sabab loo soo weeraro xaflad aroos oo farcadi ay ka jirtay.

Hay’adaha amniga ayaa baaritaano wada xili aysan jirin dad ay ka kaxaysteen xaflada iyadoo la filaayo in baaritaanada booliiska kadib la ogaan doono dadkii ka danbeeyay iyo ujeedka intaba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here