Cabe-Town (dayniiile.com)-Waxaa sii kordhaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilaayo Dalka Koonfur frika xili sanad kasta dhamaadkiisa ay aad u kordaan ugaarsiga lagu hayo Soomaalida.

Laba wiil oo soomaali ah ayaa caawa la soo sheegayaa in lagu dilay deegaanka Phillipi oo hoos taga Magaalada Cabe-Town.

Advertisement

Labada marxuum oo magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Muxudiin Dhukul iyo Yuusuf Maxamed Taakow ayaa lagu dhex dilay goobtooda ganasi.

Kooxaha Burcad Koonfur Afrikanka ayaa dilka kadib waxay qaatee wixii hanti dhex yiilay tukaankaasi waana hadafkoodii koowaad.

Sida horaba loogu yaqaan Booliiska dalkaasi ayaa raali uga ah burcada dalkaasi inay ajaanibta dhacaan oo dilaan waxaana suuratgal ah in siyaasada dalkaasi ay ku dhisan tahay faquuqa ajaanibta iyo ineysan waxba ka soo qaadin.

Dhanka kale dilalka oo maalmihii ugu danbeeyay laba laba loo leynayay soomaalida ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili wafdi ka titsan Xukuumada Soomaaliya dalkaasi u joogaan sidii ay dalkaasi ugala hadli lahaayeen in shacabka Soomaalida meel laga aaro burcada koonfur afrikaanka ah ee leynaya balse waxaa muuqanaya inay sii bataanbe.

XAFIISKA WARARka
DAYNIIILE.COM

Previous articleAqalka Wakiillada Mareykanka oo Camaareeyay gabadh Falastiin oo iyaga ka tirsan.
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here