Washington (dayniiile.com)-Gabadha kaliya ee faastiin ah ee ku jirta Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa la soo sheegayaa inay Cambaareyn iyo hanjabaad kala kulantay baarlamaanka ay ka tirsan tahay ee Mareykanka kadib hadalo la xiriira dagaalka Gaza oo ay ku taageertay shacabka falastin.

Gabadhaaan asal ahaan ka soo jeeda Falastiin laguna magacaabo Rashida Tlaib ayaa ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka waxaana saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta dunida qabsaday go’aanka aqalka wakiilada Mareykanka.

Advertisement

234 xildibaan ayaa u codeeyay mooshinka lagu cambaareynayo Rashida Tlaib halka ay ka diideen 188 xildhibaan,waxaana codeyntani timid kadib markii xildhibaano ka tirsan dimuquraadiga ay ku biireen kuwa jamhuuriga oo soo jeediyay in gabadhaan asalkeedu yahay faastiiniga la cambaareeyo.

Haweeneydaan oo mudo sedex mudo xileed ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka ayaa waxaa loo colaadinayaa fikirka ay mudaba ka qabtay dagaalka bariga dhexe ee u dhexeeyay Isra’iil iyo Xamaas.

Go’aanka cmbaareynta ayaa hal talaabo u jirta in xildhibaanada gabi ahaanba laga saaro aqalka wakiilada Mareykanka.

Xildhibaanada ka danbeeya mooshinka lagu cambaareeyay gabadhaan ayaa si cad saxaafada ugu sheegay in Gabadhaan lidi ku tahay saaxiibka ugu weyn mareykanka ee Israa’iil.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMilatariga Somalia oo gurmad u fidiyay shacabka Baydhaba roobabka dartood+Sawirro
Next articleLaba wiil Soomaali ah oo Caawa lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here