Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska Ufadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo wafdi uu Hogaaminayey.
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Michael oo kulankooda ay ka qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Cadaalada, Gargaarka iyo Howlaha guud ayaa laisaga Waraystay Saamaynta Fatahaadka Biyaha, Udiyaar Garowga Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Xoojinta Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Loogu adeegayo Bulshada.
Safiirka Dowladda Ingiriiska ufadhiya Soomaaliya ayaa adkeeyey in Socdaalkiisa Magaalada Baydhabo ay tahay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin ugu qaadan lahayd Ugur Mashada Dadka Saameynta ku yeeshay Fatahaadka Biyaha iyo sidii ay utaageeri lahayeen Dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ee Daadejinta Adeegyada Dowladda.
=XIGASHO WARBAAHINTA MAAMULKA KOONFUR-GALBEED=
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says "‎ד‎"‎‎May be an image of 1 person and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here