Muqdisho (www.dayniiile.com) Kadib hadal heyn weyn oo ka dhashay sawir ka soo muuqday Buugga Physics-ka Dugsiga sare ee Soomaaliya ayaa keentay in baraha bulshada uu qabsado sawirkaasi.
Dadka inta badan waxay isku raaceen in sawirka buuggaan ka soo muuqday uu yahay calaamada ay leeyihiin dadka isku jinsiga ah ee dhexdooda isu galmooda.
BBC-da laanteeda afka Soomaaliya ayaa lagu wareystay macalimiin kuwaasoo badankood isku raacay in calaamadaan loo yaqaan qaansa-robaad ,aysana ahayn sida dadku u fahmeen islamarkaana ayba ka horeysay xiliga qolooyinka isku jinsiga ay sameysteen calaamadaan.
Hadadaba maamulaha iskuulka Shaacir oo Xamar ku yaal Ustaad Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud (Shaacir) oo wareysi siiyay  BBC-da  wuxuu soo jeediyay in gabi ahaanba calaamdaasi laga tiro buuga madaama shaki ay keentay .
“Astaantii climiga iyo quruxdii aan haysanay hadii ay qolo qaadatay, aniga ra’yigeyga waxaan qabaa in looga guuro, intii hadalkaasi soo noqnon lahaa” ayuu yiri Maamule Shaacir oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka soomaaliga
“haddiiba dood ay imaatay, aniga waxaan qabaa maadaama wax laga badali karo uu yahay buugga in la badalo…cashar ahaan mar walba ardeygu wuu u qaadanaa oo waa cashar muhiim ah oo physics ka mid ah, oo qaybaha lagu qaato kalarada oo dhan waaye”.ayuu mar kale yiri Ustaad Shaacir
XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here