Kismaayo(dayniiile.com)-Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamul Goboleedka Juballand Maxamuud Sayid Aadan ayaa dalbaday inay Dalka sii joogaan  ciidamada Atmis.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu ka codsaday Dowlada Soomaalia inay ka shaqeyso sidii loo kordhin lahaa mudo xileedka Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya kuwaassoo ku howlgala magaca ATMIS.

Advertisement

“ATMIS waxaan rabnaa inay naga caawiyaan dagaalada Alshabaab looga saarayo wajigiisa 2-aad deegaanada Jubaland  sidaas daraadeed waxaan Dowlada ka codsaneyna in la gaarsiiyo joogitaanka ATMIS sanadka 2025″ayuu yiri Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland.

Mudada ay Ciidamada ATMIS kaga baxayaan guud ahaan Soomaaliya oo ah sanadka cusub ee 2024 ayaan la ogeyn sida Dowlada Soomaaliyeed ku aqbali karto codsiga Maamulka Jubaland xili dhawaan sedex bil loogu daray Dowlada inay ATMIS Dalka sii joogto.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here