Madaxweynaha Maamulka Koonfu Galbeed ayaa qaaday maanta Talaabo dikteetarnimo ah markii uu Xildhibaan Soomaaliyeed u diiday inuu Baydhabo tago.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Aadan (Black) ayaa maanta laga reebay diyaarad uu xamar ka raaci rabay isagoo ku sii jeeday Magaalad Baydhabo xili uu aas kaga qeybgeli lahaa Baydhabo.

Advertisement

Xildhibaanka ayaa laga soo dejiyay diyaradi uu xamar ka raaci rabay kadib markii shirkada diyarada lagala soo xiriiray Baydhabo loona sheegay inaysan qaadi karin xildhibaankasi.

Dhanka kale Talaabadaan waxaa si adag kaga hadlay siyaasiga C/raxman C/shukuur Warsame wuxuuna ugu horeyn cambaareeyay falkaasi uu ku kacay Maamulka Koonfur Galbeed.

Siyaasi Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur wuxuu xusay in Xorriyada safarka uu ka mid yahay xuquuqda muwaadinka uu dastuurku siiyay inuu meeshuu doono u safro haduusan fal danbiyeed ku jirin.

Mar uu la hadlaayay Dowlada Faderaalka ayuu ugu baaqay inay arintaan ka hadasho madaama ay iyadu masuul ka tahay dhul,cir iyo bad-ba islamarkaana ay talaabo ka qaado maamulada ku dhaqaaqaya ficilada nuucaan ah.

Si kastba Maamulka Koonfur Galbeed wali kama hadlin talaabada ay qaadeen iyo ujeedka ka danbeeya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka oo loo diiday inuu tago Magaalada Baydhabo | Allbanaadir.com

Previous articleMadaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha oo dhiig u shubeen Ciidamada Xoogga+Sawirro
Next articleDab Caawa ka kacay Garoonka diyaaradaha Muqdisho qeybta Afisyoone

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here