GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirudawlaha Wasaaradda Cadaaladda,arimaha diinta,Dastuurka iyo dhaqan celinta Maamulka Puntland C/qaadir Cali Warsame ayaa oo shir jaraa,id ku qabtay Garowe
ayaa wuxuu amar adag dul dhigay wadaadada maamula Masaajidyada magaalooyinka Puntland.

Wasiiru Dowluhu wuxuu masuuliyiinta masaajidda ku amaray inay damiyaan sameecadaha banaanka xiliga la tukanayo salaadda Tahajudka ee 10-ka danbe bisha Ramadaan.

Advertisement

C/qaadir Cali Warsame wuxuu xusay in salaadu tahay suno sidaas daraadeed aan loo baahneyn in makaroofanka lagu dhibo dadka xanuunsan iyo waayeelka jiifa xiliga hurdada.

“Sidoo kale gabdhaha waxaan leenahay guryihiina ku tukada adinkoo ilaalinaya sharafkiina,maxaa yeelay xaafadaha qaar amni maaha si aysan dhibaato idiin soo gaarin”ayuu yiri Wasiiru Dowle C/qaadir Cali Warsame oo carabka ku adkeeyay inay wanaagsan tahay dumarku inay guriga ku tukadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleXisbiga Mucaaradka Turkey oo guul weyn ka gaara doorashada Dowladaha hoose
Next articleDuqa Muqdisho iyo Safiirka cusub ee Turkey maxay ka wada hadleen+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here