GAROWE (DAYNIIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalada Garowe gaaray Masuuliyiin badan oo heer Faderaal iyoย  heer Dowlad Goboleed isugu jira.

Masuuliyiintaan ayaa lagu wadaa inay beri ka qeybgalaan xalada caleema saarka Madaxweynaba Puntland Saciid C/llaahi Dani oo 8-dii bishaan dib loo soo doortay.

Advertisement

Masuuliyiinta Garoowe tagay waxaa ka mida Madaxweynayaasha Gal-mudug,Koknfur-galbeed oo maanta gaareen iyo Madaxweynaha Hirshabelle oo shalay gaaray.

Sidoo kale waxaa Garoowe gaareen Ra’iisulwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble,Xasan Cali Kheyre,C/rashiid Cali Sharmaake iyo Cabdi-weli Cali Gaas,Saacid shirdoon,Cali Geedi iyo kuwo kale.

Masuuliyiin Jabuuti ka socdaiyo wufuud ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna soo gaareen,waxaana ugu danbeyn la hadal hayaa madaxweynaha Somalia inuu isna iman doono.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleJAWIIL: Dab ka kacay Kaalin shidaal oo faafay
Next articleFarmaajo iyo Shariif Sheikh oo war ka soo saareen Ansixintii Xeerka wax ka badalka Dastuurkaย 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here