Milateriga Kenya Madaxweynaha Dowlada Gobolleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Kenya (KDF) Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku yimid Jubaland.

Advertisement

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah.

Sidoo kale warar  kale ayaa sheegaya in uu la socday Taliyaha Nabadsugida qaranka Kenya oo maalmo ka hor la magacaabay, waxaana la sheegay in uu ku tagay Kismaayo si qarsoodi ah.

 

 

Nairobi

Previous articleWasiirka arrimaha Gudaha  oo kulan la yeeshay  Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya
Next articleIran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here