Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.”

Advertisement

Dhanka kale haweenka kulankaan ka qeyb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta dagaalka, sida lagu sii yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Guddiga Wacyigelinta Qaranka.

Previous articleWaxa Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa gafafka, hagardaamooyinka, khaladaadka iyo qiyaanooyinka Qaran ee Md. Ahmed Guutaale (Hantidhawraha Guud
Next articleAbaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda gobolka Sh/ Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here