Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in abaabul iyo diyaargarow ciidan uu ka jiro gobolkaasi, kaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxtooyada HirShabeelle iyo Taliska Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka wada hadlay  in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay ka maamulaan galbeed ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Advertisement

Ciidamo ayaa la sheegaya in loo diyaariyaay , siidii Alshabaab  loogaa saari lahaa deegaanada  galbeedka gobolka shabeelada Dhexe  ee kala ah Jameeca Jiliyaale, Gamboole iyo deegaanada kale ee ay Alshabaab kaga harsan yihiin galbeed  gobolkaas.

Madaxweynaha Hirsabeele  ayaa la kulmay bulshada ku dhaqan deegaanada Masaajid Cali Gaduud iyo Nuur Dugle ayaa kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab , barnaamijka xasillinta ee deegaanada la xoreeyay iyo sidii looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tibaaxay in gacan ay kula dagaalamayaan Al Shabaab, gacanta kalena ay kaga shaqeynayaan mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabelle.

Degaanada Galbeed gobolka shabeelada Dhexe ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan Alshabaab iyadoo mas’uuliyiinta ka soo jeeda  deganadaas oo ka tirsan maamulka Hirhsbeelle ay u diyaar garoobaanyaan dagaal ka dhan ah Alshabaab  ee looga saarayo deganada Galmudug.

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay ururka Haweenka
Next articleSoomaaliya & India oo kawada hadlay sidii ay u sameysan lahaayeen iskaashi dhanka daawada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here