Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Baarlamanka DFS Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulan la qaatay Odoyaasha dhaqanka ee Degmada Raagacelle iyo Deegaanada Hoosyimaada
Kulanka ayaa ku saabsana sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Deegaanada iyo Tuulooyinka u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle
Dadaaladan xalka loogu raadinayo colaada kaa taagan defmooyinka Raage Celle iyo Caddale ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa waxa Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Xildhibaano oo dhawaan Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlawe u xilsaaray xalinta Xiisada Colaadeed ee Halkaas ka Taagan Sidoo kale waxaa dhexdhexaadinta qeyb ka ahaa Imaam Daahir Imaam Mohamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
Odoyaasha Dhaqanka Beesha Maxamed Muuse ayaana sheegay iney qaateen xabad joojinta ay ku dhawaaqeen gudiga ka shaqeynaya xal u helida dagaal beeleedyada so laalaabtay ee ka taagan Degmooyinka Cadalle iyo Raagacelle.