NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Mareykanka ayaa diidmada qayaxan ku hor istaagay xabbad joojin la kala dhex dhigi lahaa  Xamaas iyo Israa’iil  iyadoo waqooyiga Qaza ay gaajo u dhimanayaan shacabkii reer Falastiin.

Ergeyga Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa u adeegsaday diidmada saddexaad ee golaha ammaanka si uu u hor istaago qaraarka xabbad joojinta Algeria, isaga oo sheegay in ay wax u dhimayso wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Advertisement

Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa hakisay gargaarkii ay ka waday waqooyiga Qaza, iyada oo soo xiganaysa fowdo ay sababtay gaajada iyo “burburka nidaamka bulshada”

Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza oo dib loo cusbooneysiiyo digniinaha ka dhanka ah hanjabaadda Israel ee weerarka dhulka ee Rafah.

Maraykanka ayaa soo jeediyay tallaabo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku baaqaysa xabbad-joojin “ku-meel-gaar ah” oo ka soo horjeeda soo jeedinta Aljeeriya ee ku boorinaysa joojinta dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Ugu yaraan 29,092 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 69,028 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

A Palestinian child tries to pick up spilled flour during aid distribution in north Gaza. [Screengrab/Al Jazeera]

Previous articleSomalia iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni
Next articleDowlada Itoobiya oo xukun ku riday Alshabaab sanado ka hor weeraray dhulka zoonka-ka 5-aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here