ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ergayga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan gobolka geeska Afrika Mike Hammer ayaa Itoobiya kala hadlay talaabadii keentay inuu khilaaf weyn soo kala dhex-galo Iyaga iyo Somalia.

Masuulkaani Mareykanka ah wuuxuu Adis Ababa kula kulmay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaasoo sida la sheegay uu usoo jeediyay inuu ka laabto heshiiskii sharci darada ahaa ee ay 1-dii Janaayo la galeen Maamulka Somaliland.

Advertisement

Warkaan oo aysan xaqiijin Mareykanka iyo Itoobiya ayaa waxaa BBC u sheegay masuul ka tirsanb Dowlada Somalia oo Adis-ababa ku sugan kana qeybgalaya shirka 44-aad ee Midowga Afrika.

Dhanka kale Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo bartiisa X ku soo qorey kulanka uu la yeeshay masuuliyiinta Mareykanka ayaan soo hadal qaadin wax ku saabsan in lagala hadlay heshiiskii Badda ee ay la galeen Maamulka Somaliland.

“Mike Hammer wuxu noo sheegay inuu la kulmay madaxda Itoobiya, isagoo la soo qaaday heshiiskii ay wada gaareen iyaga iyo Somaliland” ayuu yiri mid ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya shirka midowga Afrika oo BBC la hadlaayay.

XAFIISKA  WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleHogaamiyihii Mucaaradka Ruushka oo Xabsi ku dhex geeriyooday iyo Putin oo lagu dhaliilay
Next articleSaldhigyo Alshabaab ku leeyihiin duleedka Galcad oo la duqeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here