MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Dalka Ruushka waxaa Xabsiga ku dhex geeriyooday Hogaamiyihii mucaradka Dalkaasi  Alexey Navalny oo  mudo ku xanuubsabaya6 halkaasi.

Madaxweynaha Dowlada Maraykanka Joe Biden ayaa ka hadlay arintaan wuxuna eeda dusha uga tuuray Madaxweynaha Ruushka  Vladimir Putin inuu masuulka ka yahay.

Advertisement

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka sheekeeyay dhaaankii Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka isagoo xusay in isagoo hore loo sumeeeyay kadibna lagu daweeyay meel ka baxsan Ruushka inuu hadana u bareeray inuu dalkiisa ku laabto.

Biden wuxuu ku amaanay Hogaamiyihii mucaradka Ruushka Alexey Navalny sida uu uga soo horjeeday siyaasada iyo hab dhaqanka Madaxweynaha Ruushka.

Saraakiisha maamusha xabsiyada Ruushka ayaa saxaafada usoo gudbisay in Alexey Navalny uu ku dhex geeriyooday xabsiga mana aysan sii faahfaahin.

Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka Navalny ayaa wuxuu ahaa shakhsi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Putin.

XAFIISKA  WARARKA DAYNIILE.COM

Previous articleAqoon-yahan si weyn u weeraray amarada aan fulinta lahayn ee Dowlada
Next articleMareykanka oo Itoobiya kala hadlay inay ka laabtaan heshiiskii Badda ee  Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here