MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka  ayaa digniin ka soo saartay akhbaar sirdoon ay heleen taasoo sheegeysa in Alshabaab qaraxyo la damacsan yihiin Magaalada Muqdisho asbuuca soo socda.

Warka Mareykanka waxaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxyada si gaar ah alshabaab ugu bartilmaameedsan doonaan goobaha muhiimka ah ee Muqdisho sida garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho,xarumaha Dowlada iyo goobaha ganacsiga ee bulshadu ku badan tahay sida Hoteelada.

Advertisement

Gaadiid walxaha qarxaha laga buuxiyay ayay Alshabaab ku sii diyaarsadeen gudaha Magaalada Muqdisho sida ku cad warka ka soo baxay Mareykanka.

Sidoo kale waxaa guud ahaan la joojiyay shaqada safaarada Mareykanka ee Muqdisho ilaa iyo inta digniintaan jirto.

Mareykanka waxay tilmaameen in hadii aan laga hor tagin qorshaha Alshabaab uu ka dhalan karo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here