Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa BBC laanteeda Afka Somaliaga wuxuu uga jawaabay su’aal ku saabsaneyn dadka iyo ciidamada dhawaan la soo qabtay ma waxaa lagu qasbay inay xirtaan dharkii ay xirnaayeen markii ay baraha bulshada ama saxaafada ka hadlayeen xili ay Dowlada iyo garsoorkeeda ku xadgud-bayeen.

Hadaba warbixinta BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sidan u dhigneyd:-

Advertisement

Sawirrada eedeysanayaasha uu baahiyay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa muujinaya iyagoo xiran isla dharkii ay muuqaallada isaga duubeen, iyagoo siyaabo kala duwan uga hadlaya dhacdooyin ay kamid yihiin xukunno ay gaareen maxkamaddaha dalka, diidmo amarro horey dawladda uga soo baxay, iyo hanjabaado loo jeediyay madaxda dawladda iyo kuwa garsoorka.

Dadka barraha bulshada isticmaala ayaa aad u hadal haya waxa isku beegay dharka lagu soo xiray iyo kii ay wateen markii ay hadallada xanafta leh jeedinayeen.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in si eedeysanaha loo dareensiiyo in aan dambigan looga hareynin oo maalin loo soo qabanayo, lala sugo isla dharkii uu muuqaalka isaga duubay, halka qaar kale la soo xiro iyagoo gacanta kula jira falka.

‘’Dadkan sida aad la socotidba way iska hadlayaan, markii ay hadlaana waxay rabaan ayay isaga hadaaqaan, uma haystaan in ay dambi galeen, iyagoo fal dambiyeed galaya ayay duurka iska galaan, marka si loo dareensiiyo in aan dambigan looga hareyn oo maalin uun loo soo qabanayo ayaa lala sugaa, in ay subixii iska yimaadaan oo maalin kale iska yimaadaan, markii ay dharkii soo qaataan oo caadi yihiin baa la helaa, waana lala sugaa’’ ayuu yiri taliye Mahdi.

Qaar kale waxa la qabtaa iyagoo hawsha ku jira, sidaas ayaana loogu soo xiraa dharka ay muuqaallada isaga duubeen.

‘’Kuwo qaarkood marka fal dambiyeedka ay galeen isla markii ayaa la helaa, iyagoo muuqaal soo dhigay ama bannaanbax ka hadlaya ayaa la soo helayaa’’ ayuu yiri Mahdi.

Dadka 30-ka qof ka badan ee boolisku soo xiray, intooda badan waxa lagu soo xiray isla dharkii ay xirnaayeen markii ay muuqaalladooda soo dhigayeen barraha bulshada, taasi oo fal celin badan ay ka sameeyeen dad kale duwan.

Eedeysanayaal boolisku soo xiray

Askari eedeysane ah oo la soo xiray

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here