Masuq maasuqii ugu xoogganaa ayaa ka socda gudaha garoonka Aadan Cadde, ee aaway kaalintii xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka?

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista ayaa lacago aan ku dhaceen qasnada dowladda kusoo rogay dhammaan shirkaddaha ka shaqeeya Cargo-ga, waxaana halkii kiilo laga qaadayaa lacag dhan 1$ oo macaash ah kuna dhacaysa akoon gaar loo leeyahay.

Advertisement

Lacagtaan oo aan qasnada maaliyadda ee dowladda ku dhaceen ayaa lagu shubayaa akoon laga leeyahay waddanka Kenya si haddii uu isla xisaabtan yimaado aan loo tix raacin inkastoo ganacsata intooda badan ay ka biyo diiddeen arrintaan marka laga reebo hal shirkad.

Doodda ugu weyn ee ganacsatada arrintaan ka biyo diiddan ayaa ah in la siiyo warqad kasoo baxday dowladda ama Tariifo muujinaysa sax ahaanshaha lacagaha laga qaadayo, intaasna waa laga la’yahay wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliyeed.

Xog aan helay ayaa sheegaysa in dhawaan ay ahayd markii uu xafiiska Hantidhowrka Qaranka is hortaag uu ku sameeyay lacago sidaan oo kale ah oo lagu soo ragay in laga qaado shacabka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Goorma ayuu hurdada ka kici doonaa Hantidhowrka guud ee Qaranka, mase xilli waxii la rabay la qaatay ayey eedayn samayn doonaan?

 

 

 

 

Previous article𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 maanta arimaha Soomaaliya kala hadlay Dhigiisa Dalka 𝗤𝗮𝘁𝗮𝗿 +SAWIRRO
Next articleSoomaalida albinism-ka: waxaa lagu tuuray dhagaxaan iyo ukun ceeriin ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here