Advertisement
Home Warkii ๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ maanta arimaha Soomaaliya kala hadlay Dhigiisa Dalka ๐—ค๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ...

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ maanta arimaha Soomaaliya kala hadlay Dhigiisa Dalka ๐—ค๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ +SAWIRRO

๐——๐—ผ๐—ต๐—ฎ,ย ๐Ÿฑย ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฒ๐—ฟ,ย ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏโ€”- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani.

Labada Raโ€™iisul Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Advertisement

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Raโ€™iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

Previous articleRaโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Salah Jama oo ka qeyb galay Shirka Isbeddelka Cimillada Afrika
Next articleMasuq maasuqii ugu xoogganaa ayaa ka socda gudaha garoonka Aadan Cadde, ee aaway kaalintii xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here