MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Hotel SYL oo qaraxyo waa weyn ay ku galeen kooxda Alshabaab waxaana jira masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ku dhaawacmay gudaha Hoteelka.
C/Xamiid Fanax oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowlada iyo cidiamo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka ka socda Hotel SYL.

Sidoo kale Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay kaasoo dhaawiciisa laga soo dhex bad-baadiyay hotelka waxaana la gaarsiiyay Isbitaalka Digfeer.
Masuulkaan oo ah xoghahaya guud Maamulka Gobolka Banaadir  waxaa lagu magacaabaa Feysal Caraale waxaana Hotelka ka soo saaray dhaawiciisa mid ka mid ah ilaaladiisa qaaska ah.
Sidoo kale waxaa hoteelka ku jira sida wararka aan ku helnay xildhibaano,saraakiil ciidan iyo wariyayaal kuwaasoo aan wax ara laga heyn ilaa iminka inkastoo hoteelka uu dagaal ka dhex socdo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobalka Banaadir oo tababar u furay dhallinyaro  “SAWIRRO” – Radio Muqdisho
Previous articleWAR DEG DEG AH:Alshabaab oo caawa ka dhex dagaalamaya Hotel SYL
Next articleMagacyada Xildhibaano masuuliyiin iyo,wariyayaal ku dhaawacmay weerarkii SYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here