huusa-mareeb (dayniiile.com)-Gudoomiyaha Dhalinyarada Magaalada Dhuusa-mareeb Calas Cabdi-Nuur Barre ayaa si weyn u beeniyay wararka sheegaya in ragii shalay lagu dilay laguna soo qabtay deegaanka Bulucle ay qabiil ahaayeen.

Masuulkaan ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu dilay Alshabaab laguna soo qabtay Alshabaab isagoona fariin warbahinta u mariyay dadka sheegaya in qabiil la dilay.

Advertisement

“waxaan rabaa inaan halkaan fariin uga diro dadka dhahaya qaiil ay ahaayeen dad qaarkood la dilay ama la qabtay,waxaan rabaa inaan u sheego ineysan qabiil ahayn,alshabaab lahayn qabiil ,ku soo dhex dhuumanayan, dadka raba inay shaatigaas u galshaan nimankaas alshabaabkaa oo ciidamada xooga Soomaaliyeed ee ay gaadmada hada ka hor ku dileen qoryahoodii sita,qoryaha ay wataan waxaa ku qoran  ciidamada xoogga waana lagu qabtay marka waxaan rabnaa inaan dadka looga been abuuran oo aan la marin habaabin,khawaarij ay ahaayeen dadka raba inay magac kale u galshaan aka daayaan yeysan ciidamada geesiyaasha ah dhabar jabin”ayuu yiri Gudoomiyaha Dhalinyarada Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyn sheegay in howlgalka lagu dilay laguna qabtay dagaalyahanada Alshabaab ay iska kaashteen Ciidamada  Xoogga,kuwa deegaanka iyo sirdoonka Nisa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here