Muqdisho (dayniiile.com)-Masuuliyiin ka kala socday Xukuumada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka qeybgalay xaflad ay qalin jabinayeen boqolaal ardey oo ka tirsan Jaamacada SIU ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale marti sharaf dhanka waxbarashada ah ayaa ka soo qeybgalay kuwaasoo dhamantood hadalo dhiiri gelin ah ka jeediyeen xaflada ardeyda Soomaliyeed farxadoodu loola qeybsanayay.

Advertisement

Masuuliyiinta maanta munaasabada ka qeybgashay waxaa ka mida Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) iyo      Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Munaasabada maanta waxaa ku qalinjabinayay 633-ardey kuwaasoo dhameystay waxbarashadooda jaamacadeed ee heerka koowaad gaar ahaan  dufcadii 8-aad ee Jaamacada S.I.U.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka bixiyay faa’iidada ay leedahay waxbarashada isagoona kuwa hada dhameystay aqoontooda uga sii faa’iideeyaan jiilka ka danbeeya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 6 people and suitMay be an image of 6 people and suitMay be an image of 13 people, flute, clarinet, oboe, saxophone and trumpetMay be an image of 13 people, flute, clarinet, oboe, saxophone and trumpetMay be an image of 7 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 3 people, beard, suit, newsroom and textMay be an image of 3 people, headscarf and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and clarinetMay be an image of 3 people and textMay be an image of one or more people and people studying

Previous articleZotrim: Appetite Suppressant & Herbal Weight Loss Aid
Next articleMadaxweyne Xasan oo masuul cusub u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here