NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar  sheegaya in Mareykanku digniin ka bixiyay weerar iyo qaraxyo Alshabaab la damacsan yihiin Garoonka diyaaradaha Aadan Abdulle ee Muqdisho.

Warkaan wuxuu si gaar ah uga soo baxay Safaarada Mareykanka ee Nairobi ku leeyihiin iyagoo warbaahinta la wadaagay.

Advertisement

Safaaradu waxay leedahay waxaan helnay xog sheegeysa in weeraro toos ah iyo qaraxyo ay ka dhici karaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale wararka la helayo waxay intaasi ku darayaan in durba Mareykanku baajiyay safaro muwaadiniin Mareykan ah ku tagi lahaayeen Muqdisho.

Dhanka kale Warka safaarada kuma cada inay warbixintaan ay la wadeegeen Dowlada Soomaaliya si ay uga feejignaadaan.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Previous articleAgaasimaha cusub ee NISA oo Maanta booqday Xarumaha Hay’ada+SAWIRRO
Next articleDowlada oo gaari Ambulance ah ku wareejisay Maamulka SSC Khaatumo+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here