MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho shaqaaqo dhex martay ciidan uu watay Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Waabari Iyo ilaalada isbitaalka loogu magac daray Mogadishu Hosbital.
Sarkaalka oo watay ilaalo hubeysan ayaa u socday inuu booqdo bukaan isbitaalka yiilay balse waxaa la isku qabtay hubka inay banaanka uga tagaan taasoo uu ka hor yimid sarkaalka booliiska ah.
Sarkaalka iyo ciidankuu watay waxay qabqabteen oo xireen shaqaala ka tirsan isbitaalka,sidoo kale agab ayay ka qaateen isbitaalka sida kaamirooyinka taasoo xiisada cirka sii gelisay.
Saaka waxaa arinta soo dhex galay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir  kuwaasoo ugu danbeyn xaliyay shaqaaqadaasi.
Waxaa gabi ahaanba xabsiga laga soo daayay shaqaalaha iyo ilaalada Isbitaalka ee xirnaa,sidoo kale waxaa dib loogu soo celiyay  isbitaalka agabkii Booliisku ka qaateen.
Maamulka Isbitaalka iyo saraakiil ka tirsan Taliska booliiska sida  Taliye xigeenka qeybta Boliiska G/Banaadir Saciid Bar-yarre ayaa kulan wada jira ay saxaafada u qabteen waxay ku shaaciyeen in la heshiiyay islamarkaana taliska Boolisku raali gelin buuxda siiyay maamulka Isbitaaalka Muqdisho.

Xubno ku hadlaayay magaca isbitaalka ayaa warbaahinta u sheegay in Dowladu ka qancisay qaladkii Sarkaalkaasi kula dhaqmay.
Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag iyo Taliye xigeenka qeybta Booliiska G/banaadir oo goob joog ka ahaa ayaa iyaguna cadeeyeen in shaqaaqadii dhacday la xaliyay sida ugu habooneyd.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Advertisement
Previous articleMAC SOKOR
Next articleBurcad Badeeda oo malaayiin Dolar ku qaadatay Markabka MV Abdullah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here