New-York (dayniiile.com)-War ka soo baxay Hay’ada UNHCR ayaa lagu shaaciyay in 2500 tahriibayaal ah ay dhinteen ama la waayay inta lagu jiro sanadkaan dhamaadka ah ee 2023.
Dadkaan tirdaas ka eg ayaa dhamaantood u dhinteen ama lagu waayay xili isku dayayeen inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub.
Hay’adaan Qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixintaan iyadoo qoraala waxay u gudbisay Qaramada Midoobe oo ay hoos tagaan.
Agaasimaha xafiiska UNHCR ee New York Ruven Menikdiwela ayaa saxaafada u sheegay in tirada ay sheegeen ay tahay min 1-da Janaayo 2023 ilaa 24 September 2023.
Dadka sanadkaan xiligaan oo kale dhintay iyo kuwa sanadkii hore waxaa badan kuwa sanadkaan geeriyooday,tusaale hada warbixinta waxaa lagu sheegay titada geerida 2500 laakiin sanadkii hore xiligaan oo kale waxaa la diin gelliyay 1,680 . ruux
.XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM