Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Guddiga Qaran ee Kahortaga Lacag-dhaqista iyo Maalgelinta Argagixisada oo ay xubno ka yihiin hey’adaha Dowladda ee ka shaqeeya Dhaqaalaha iyo Amniga.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga XFS, Wasiirka Ganacsiga, Taliyaha Hey’adda NISA, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaliya, Xeer ilaaliyaga guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Xarunta Warbixinada Maaliyadeed ee FRC.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaray dadaalada istaraatiijiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ee lagula dagaalamayo lacagaha sharci-darada ah iyo maalgelinta argagixisada oo dhib badan ku haya bulshada Soomaaliyeed.
Dhammaan xubnaha Guddiga waxa ay xoojiyeen ballan qaadkooda ku aadan in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo ilaaliyo hey’addaha iyo bulshada Soomaaliyeed. Nidaam Maaliyadeed oo hufan walibana xoogan wuxuu daruuri u yahay in dalku helo maalgashi caalami ah, la xaqiijiyo amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.
May be an image of 6 people and people studyingMay be an image of 7 people, people studying and table
Previous articleMaxay tahay ‘daawada ragga’ ee ay soo saartay gabadhaan Soomaaliyeed iyo waxa dhaqaatiirtu ka yiraahdeen?
Next articleMuwaadin Somaliyed oo xalay lagu dilay Cape-Town

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here