Cape-Town (dayniiile.com)-Muwaadin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay Dalka Koonfur Afrika kaasoo lagu magacaabi jirey Cabduqaadir Xasan Maxamuud oo loo yaqaanay (Xasan Qurux).

Allaha u naxariistee Marxuumka oo ahaa nin dhalinyaro ah ayay naftu ku jirtay markii burcadu ka tageen balse markii danbe ayuu dhaawac uu qabay u geeriyooday.

Advertisement

Marxuum Xasan Qurux wuxuu goob ganacsi ku lahaa  xaafad Hoostagta Degmada Kheyletsha ee magaalada Cape town halkaas ayayna ugu danbeyn burcadu ugu tageen kuna dileen.

Dowlada Koonfur Afrika oo sida caadiga ah la socota falalka lagu laayo dadka ajaanibta ah sida Soomaalida ee Dalkeeda ku nool ayaa u muuqata inay raali ka tahay xasuuqa iyo dhaca  lagu hayo ajaanibta.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa looga hadlay kulan xasaasi ah oo kulmiyay Wasiirada iyo Hay’ada Nabad-sugida+SAWIRRO
Next articleDAAWO VIDEO: Hirshabelle oo Maxkamado ka hirgalisay deegaanadii Alshabaab laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here