MUQDIASHO (DAYNIILE.COM)-Askari ka tirsan Ciidamada ilaalo qaran ayaa maanta la soo taagay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia iyadoo loo heysto dilka laba shacab ah iyo dhaawaca mid kale.

.Dacwad oogaha ayaa maxkamada ka hor sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Axmed qorey AK 47 ah ah   ka riday sedex baalooto taasoo sababtay dhimashada labada ruux iyo dhaawaca qofka sedexaad.

Advertisement

Waxaa sidoo kale lagu eedeyay askarigaan isku day kufsi iyo isticmaalka daroogo,wuxuuna dhacay falkaani dilka ah 9-kii febraayo ee  bishaan 2024 goor habeen waqti danbe ah

Eedeysanaha labada ruux uu dilay Allaha u wada naxariistee waxaa  lagu kala magacaabi jirey Xuseen Shiraaye Maxamed oo 17 jir ahaa iyo Abuukar Cali Maxamuud oo 15 jir ahaa,sidoo kale wuxuu dhaawac halis ah u geystay  Shacab C/raxmaan Cali Maxamuud oo 13 jir ah.

Dacwad oogaha ayaa sidoo kale sheegay in sababta dilkaani ku xanbaartay ay ahayd markii gacan ku dhiiglaha uu aaday meel aroos lagu qabay kadibna gabar ayuu isku dayay inuu kufsado waxaana ku soo baxay wiilasha uu dilay markii ay isku dayeen inay ka celiyaan.

ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Bashiir Cabdi Maxamedayaa ayaa Maxkmada ka codsaday in edeysanaha dil toogasho ah lagu xukumo.

Si kastaba Gudoomiyaha Maxkamada Xasan Nuur Shuute ayaa dhageysiga kadb go’aan qaatay kadib markii uu qiimeeyay dacwada eedeysanaha qiraalkiisa,cadeymaha la keenay iyo guud ahan sidey wax u dhecen .

Gudoomiye Shuute wuxuu ku xukumay eedeysanaha dil toogasho ah oo ah qisaasta labada wiil uu sida bareerka ah u dilay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM 

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleMadaxweyne Xasan muxuu ku sheegay khudbadiisii maanta shirka Isbeddelka Cimilada+SAWIRRO
Next articleTaliyaha Milatariga oo xariga ka jaray masjid laga dhisay Xarunta Villa Baydhabo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here